Etusivu » Soomaali (somalin kieli) PAM waa ururka howlaha xiriirka shaqaalaha ee Finland Shaqaale kasta ee Finland jooga waxuu leeyahay xuquuqooyin – meel walba ee aad ka timidba. Haddii aad ka shaqeeysid adeegyada gaarka loo leeyahay – howlaha nadaafadda, dukaamada tafaariiqda, saadka ganacsiga, makhaayadaha, hoteellada ama dalxiiska – haddaba PAM waa ururkaaga. Ku soo biir PAM si aad u heshid badbaadada shaqada nolosha. Hadda PAM ku soo biir PAM maxuu qabtaa? ✅ PAM waxeey taageertaa, oo la talisaa oo aay bixisaa caawimada sharciga ee ku saabsan arrimaha shaqada Markaad xubin ka tahay PAM, waxaad la talin iyo caawimaad ka heleeysaa khubarada PAM, haddii aad su’aalo ka qabtid waxyaabo la xiriira nolosha shaqada ama khilaaf uu kaala dhaxeeyo loo shaqeeyahaaga. ✅ PAM waxa aay ka xaajootaa kordhinta mushaarka iyo shuruudaha kale ee shaqada PAM waxeey ka xaajootaa heshiisyada wadajirka ah ee qeybaha adeegyada oo leh awaamiir iyo sharuudo ka wanaagsan wax sharciga ku jira. Heshiisyada wadajirka ah waxaa ka mid ah mushaharka ugu yar, waqtiga shaqada, mushaharka bukaanka, gunnada fasaxa iyo qaar kale oo badan.Weey ku mahadsan tahay PAM heshiisyadeeda wadajirka ah, shaqaaluhu waxeey helaan tusaale ahaan mushahar dheeraad ah, shaqada fiidkii, tan habeenkii iyo shaqada la qabto labada maalmood ee fasaxa ah. ✅ PAM waxee bixisaa badbaado haddii aad noqoto shaqo la’aan Markaad ku biirtid PAM, ayaad noqoneeysaa xubin ka tirsan sanduuqa shaqo la’aanta ee PAM. Waxaad heli kartaa gunnada shaqo la’aanta ee la xiriirta dakhliga, haddii aad shaqo la’aan noqoto oo aad soo buuxisid shuruudaha. ✅ PAM waxeey abaabushaa tababarka, dhacdooyinka iyo taageerada asaagga Waxaan ka dhignaa naadiyada luqadda, caawinta CV-ga, kulammo wargelinneed iyo waxyaabo kale oo badan si aad u dareento kalsooni iyo wargelin habboon. Waxaad la kulmi kuwo kale si aad u barato xaquuqooyinka oo aad ku horumarin kartaa xirfadahaaga si bilaash ah. Halkaan kaga biir shabakadda PAM Waa maxay mushaharka ugu yar ee Finland? Finland kama jirto mushaharka ugu yar. Qeybaha badankooda, mushaharka ugu yar waxaa lagu qeexaa heshiisyada gorgortanka wadareed ee aay ka wada xaajoodaan ururka shaqaalaha iyo xiriirka loo shaqeeyayaasha. Haddaba, nidaamka magdhawga iyo mushahaaraadka ugu yar ayeey ku kala duwan yihiin qeeybaha kala duwan ee shaqada. Mushaharka inta badan waxuu ka kooban yahay mushaharka aasaasiga ah ee bishii ama saacaddiiba gunnada saacadaha adag ee shaqada sida mushaharka dheeraadka ah shaqada fiidkii, habeenkii iyo saacadaha dheeraadka ah. Fiiri mushaharka ugu yar ee hoteelka iyo warshadaha maqaayadaha (oo Ingiriis ah) Ka fiiri halkaan mushaharaadka ugu yar qeybaha adeegyada hantida (oo Ingiriis ah) Ka fiiri mushaharaadka ugu yar qeybta ganacsiga (oo Ingiriis ah) Su’aalaha badanaa la weeydiiyo Waa maxay ururka shaqaalaha? Ururka shaqaalaha waa hey’ad aay ku midoobeen shaqaalaha. Shaqaaluhu waxeey si wadajir ah ugu midoobeen ururka si aay u hagaajiyaan mushaharka, waqtiga shaqada iyo xaaladaha kale ee shaqada. Ururadu waxeey kala xaajoodaan loo shaqeeyayaasha si aay u abuuraan heshiisyo wadareed. Waxeey hubiyaan in goobaha shaqadu aay raacaan heshiisyada oo aay ula dhaqmaan shaqaalaha si cadaalad leh. Ururadu waxeey sidoo kale bixiyaan taageero sida ku caawinta sharciga, talo siin iyo tababar oo aay u fidiyaan xubnahooda. Finland dhexdeeda, shaqaale walba waxuu xaq u leeyahay, in uu ku biro urur shaqaale. Yaa ku biiri kara PAM? Waad ku biiri kartaa PAM, haddii aad Finland ka shaqeeysid qeybta shaqaalaha gaarka ah, tusaale ahaan nadiifinta ama dayactirka guryaha dukaamada tafaariiqda, jumladaha ama saadka ganacsiga hoteellada, maqaayadaha ama xaruumaha adeegga Waxaa kale oo aad ku biiri kartaa haddii aad baraneeysid xirfadda qeybta howlaha adeegga ama aad u shaqeeyso sida cunto qaade ama aad iskaa u shaqeeysato. Akhri xubinnimada ku saabsan PAM (oo Ingiriis ah)Akhri macluumaadka ku saabsan xubinnimada ardayga (oo Ingiriis ah)Akhri macluumaadka ku saabsan xubinnimada cunto-qaadeyaaha (oo Ingiriis ah) Buuxi foomka xubinnimada Anigu kama shaqeeyo qeybta shaqada gaarka ah. Waa kee ururka shaqaalaha ee aan ku biirayo? Waxaad ka raadin kartaa ururka shaqaalaha ee kugu habboon adigoo eegaya nooca qeybta ama loo shaqeeyaha liitot.fi/en. Sideen ugu biiraa PAM? Waxaad ugu biiri kartaa adigoo soo buuxinaya foomka elektroonikada ah ama soo wacaya adeegga howlaha macaamiisha tel: +358 (0)30 100 630. Macluumaadka lagaala soo xiriirayo ka sokow, waxaad u baahan tahay in aad ku soo qortid lambarkaaga aqoonsiga ee Finland iyo magaca rasmiga ah ee shirkadda aad u shaqeeeysid. In badan ka akhri xubinnimada PAM oo Ingiriis ah Ma I siin karaa loo shaqeeyaheeyga mushahar yar sababtoo ah aniga waxaan ahay ajnabi? Maya. Dhalashadaada looma isticmaali karo, in mushahar yar lagu siiyo ama xaalado xun lagu galiyo. Cunsuriyaddu waa mamnuuc. Waa maxay heshiis wadareed? Heshiis wadareedku waa heshiis u dhaxeeya ururka shaqaalaha iyo loo shaqeeyayaasha. Waxeey dajiyaan heerarka ugu hooseeya ee mushaharka, waqtiga iyo shaqada, fasaxyada iyo xaaladaha kale ee shaqada. Heshiisyada wadjirka ah waxaa lagala xaajoon karaa shirkad gaar ah ama qeyb shaqo oo dhan. Inta badan, heshiisyada wadajirka ah waa qeybo shaqo, waxeeyna khuseeyaan dhammaan shirkadaha qeybtaas. Liiska PAM ee heshiisyo wadareedyada (oo Ingiriis ah) Miyaan oggolaan karaa wax ka yar heshiis wadareedka? Maya. Mar walba waxaad oggolaan kartaa shuruudo ka wanaagsan – laakiin marnaba ha ka hoosmarin waxa ugu yar ee heshiiska ah. Xataa haddii aad saxiixdo heshiis shuruudo xun leh, ansax noqon maayo. Mar walba waxaad xaq u leedahay waxa sharciga iyo heshiis wadareedka aay sheegayaan. Waa la I ceeyriyay. PAM ma I caawin kartaa? Haa, haddii aad ka mid noqotay xubin PAM ka hor ceeyrinta. Waa kan sida aay PAM u caawiso xubnaheeda: Waxaa jira sharciyo ku saabsan sida iyo sababta loo eryi karo shaqaalaha. Waxaan gacan ka geeysaneeynaa oo aan hubineeynaa in la ixtiraamo xuquuqda xubnaha waxaan kaloo ka taageernaa dhageeysiga ceeyrinta. La xiriir PAM, haddii aad qabtid su’aalo. Macluumaadka lagala soo xiriiri karo Xubin ka ahaanshaha PAM, waxaad sidoo kale xubin ka tahay sanduuqa shaqo la’aanta ee adeegga ururka united. Haddii aad noqotid shaqo la’aan oo aad buuxisid sharuudaha, qasnadda shaqo la’aanta ayaa ku siin doonta gunnada shaqo la’aanta ah. Gunnada weey ka yar tahay mushaharkaaga, laakiin aalaaba weey ka badan tahay gunnada shaqo la’aanta ee aay dowladda bixiso. PAM waxaa kale oo aay siisaa xubnaha taageero shaqsi ahaaneed, si aay shaqo ama fursado waxbarasho u helaan. Tababarka lagu siiyo ayaad waxaad awood u yeelan doontaa, in aad si fiican u aqoonsatid xirfadahaaga oo aad heshid taageerada shaqo raadinta. Wax badan ka akhri halkaan oo Ingiriis ku qoran Markaad shaqo u timaatid Finland – waxa aad u baahan tahay in aad ogaato Shaqaalaha cusub ee waaxda adeegga howlaha Macluumaad ku saabsan xiriirka shaqada – qandaraaska, waqtiga shaqada, fasaxyada, fasaxa jirrada iyo intaa wax ka badan Khadka caawinta PAM iyo kaalmada sharciga xubnaha Ka noqo xubin Waa in aad ku soo biirtaa PAM, haddii aad ka shaqeeysid qeybta howlaha gaarka loo leeyahay tusaale ahaan iibiye ahaan, nadiifiye, kabalyeeri, xeerarka iyo shuruudaha shaqaalaha oo ka caawinnaa haddii aay dhibaato kaa heeysato shaqadaada. Wax badan ka akhri oo ku biir